HomeWarkiiCiidamada Booliiska oo xabsiga dhigay Wariyayaal hay'ado kala duwan u shaqeynayay

Ciidamada Booliiska oo xabsiga dhigay Wariyayaal hay’ado kala duwan u shaqeynayay

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Booliiska Somalia ayaa maanta xabsiga dhigay 4 Wariyayaal ah oo u kala shaqeynayay Shabelle TV iyo Kalsan Tv xili ay ku jireen howl maalmeedkoodii caadiga ahaa,Wariyayaasha Shabeelle waxay ku xiran yihiin Saldhiga Degmada Xamar Jajab

Idaacada Shabelle oo ka hadashay dhacdadaani ayaa cadeysay in Booliisku kaxaysteen oo xabsigana dhigeen Wariye Shugri Caabi Cabdi iyo Sawir qaade  Cabdullaahi Cabdifitaax Siidoow oo ka tirsan shaqaalahooda xili ay ku howlanaayeen sameynta barnaamij ku saabsan barakicinta Shacabka ee ka socota Muqdisho.

Warbaahinta shabelle waxay xustay in Wariyaha iyo sawirqaadahaba booliisku kala wareegeen qalabkooda ka hor inta aan xabsiga loo gudbin.

“Shabelle waxay ka xuntahay xariga loo geystay Suxufiyiinteeda iyo is hortaaga Sharci darada ah ee lagu sameeyay shaqadooda” ayaa lagu yiri war kooban oo Warbaahinta Shabelle ka soo saartay xarigaan.

Sidoo kale shaqaalaha TV-ga Kalsan oo kala ahaa  Wariye Jacfar Maxamad Jimcaale iyo Sawir qaade Nuur Xasan Cali ayaa iyagana lagu xirey saldhiga Booliiska Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho,Kalsan Tv masuuliyiin u hadlay ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin xariga loo geystay wariyayaashooda.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMMay be an image of one or more people, headscarf, dais, newsroom and textMay be an image of one or more people and people smiling

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -