Ciidamada Booliska Haramcad oo howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka Dhusamareeb

0

Ciidamada booliska Gaarka ah ee haramcad oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay howlgallo ka wadaan degaano ka tirsan gobolka Galgaduud oo ay ku sugna yihiin Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa ay sigaar ah Ciidamada uga fuliyeen degaannada Ceel Garas iyo God dhurwaa oo dhamaantood Hoos taga degmada Ceelbuur ee Gobalka Galgaduud, halkaas oo la sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay dhaq dhaqaaqyo ka wadeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

sidoo kale Taliye ku Xigeenka Ciidanka Booliiska Gaarka ah Ee Haramcad Cabdixamid Cabdullaahi Maxamed (Fanax) ayaa howlgalka hoggaaminayo, waxaana uu sheegay in qorshahooda uu yahay sidii ay uga hortegi lahaayeen dhaq dhaqaaqyada ay Al-Shabaab ka sameeyaan inta u dhaxeeysa Magaalooyinka Dhuusamareeb & Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here