Ciidamada calooshood u shaqeystayaasha Dalka Ruushka ee Wagner ayaa shaaviyay inay 5 sano kadib isaga baxayaan Dalka Maali oo ay howlgal u joogeen.
Warsaxaafadeed ka soo baxay ciidamadaan Ruushka ayay ku cadeeyeen in shalay ay soo af-hareen howlgalkii ay u joogee Dalka Mali islamarkaana ay dalkooda Ruushka ku laabanayaan.
Kooxda calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagner, ayaa ka baxaya galbeedka Afrika , iyagoo warsaxaafadeed rasmi ah ku shaaciyay inay shalay soo gabagabeeyeen
Ciidanada calooshood u shaqeystayaasha ruushka wuxuu howlgalkoodii Mali soo bilowday tan iyo dabayaaqadii sannadiii 2021.
Saldhigyada ay ka baxeen waxay ku wareejiyeen koox kale oo Ruushka uu dhisay oo lagu magacaabo Afrika Corps, kuwaasoo sii wadi doona difaacida danaha Dalka Ruushka uu ka leeyahay dawladaha Afrika ee Ruushka uu xiriir la leeyahay.
Dhanka warar laga helaayo ujeedka ay Dalka Mali uga soo baxeen Ciidamada calooshood u shaqeystayaasha Dalka Ruushka ee Wagner ayaa sheegaya inay tahay sidii ay ugu biiri lahaayeen ama u xoojin lahaayeen duulaanka Ruushku ku hayo Dalka Ukrainr
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

