Ciidamada Kumaandoska Danab oo howlgal ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe ayaa sheeegay inay Nolol KU qabteen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in howlgalkan in tuulooyinka Warciise, Maja-badan, Qoordheere, Bulo-gannay laga fuliyey howlgalkan.

Intii uu socday Howlgalkan waxaa meelaha qaar ku dagaalamay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, iyadoo khasaare uu soo kala gaaray labada dhinac.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in dagaaladan ay ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, halka ay nolol ku qabteen kuwo kale oo hubeysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here