Kismaayo (dayniiile.com)-Wararka laga helaayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubaland ayaa sheegaya in ciidamada Danab ay howlgal gaar ah ka sameeyeen deegaano hoos taga Gobolka Jubada hoose.
Deegaanada howlgalada laga fuliyay waxaa ka mida Yaaq-xaluul, Qod-qod, Beer-xaani iyo Quddus.
Sarkaal u hadlay Ciidamada oo lagu magacaabo Gaashaanle Carab Dheeg Axmed ayaa sheegay inay howlgalka ku burburiyeen saldhigyo Alshabaabku lahaayeen.
Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa weerarada ka soo qaadaan deegaanada dhaca duleedka Magaalada Kismaayo.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
Previous articleCiidamada ATMIS oo roondo ku sameeyay deegaano ka tirsan Hirshabelle+SAWIRRO
Next articleDagaal Beeleedyo Saaka ka dhacay Gobolada Galgadudu iyo Mudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here