Ciidamada Daraawiishta maamulka Galmudug ee ka soo Jeeda Galkacyo oo ka baxay Dhuusamareeb

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Ciidamo loo tababarayey kuwa Daraawiishta maamulka Galmudug oo gadood Sameeyay, kuwaas oo ka baxay  gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Ciidamadan oo ku sugnaa Xero Ciidan oo ku taala Duleedka Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in ciidamadaasi oo wata gaadiidka dagaalka iyo hubkooda ay gaareen deegaanka Galinsoor ee isla gobolkaasi, waxayna ku sii jeedaan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo markii horeba laga keenay.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in gadoodka ay sameeyeen ciidamadaasi uu salka ku hayo khilaaf u dhaxeeya wasiirka amniga Galmudug Mudane Axmed Macalin Fiqi & qaar ka mid aha xildhibaanada mamaulkaasi, gaar ahaan kuwa laga soo doorto Gaalkacyo.

Ciidamada carada uga baxay Dhuusamareeb ayaa ka mid ahaa maleeshiyaadkii la qarameeyey ee lagu wareejiyey dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, waxaana muddooyinkii la soo dhaafay ay tababar ku qaadanayeen Dhuusamareeb.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaaalka ayaa iskaga baxay caasimadda galmudug ee Dhuusamareeb, Waxayna u jaheesteen magaalada Galkacyo, ayaga oo gaaray Galinsoor.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here