BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamada Daraawiishta Maamulka Puntland Saaka si nabad ah kula wareegeen xerada PSF ay ku lahaayeen Magaalada Boosaaso kadib wadahadal lagu xaliyay dagaal dhexmari lahaa labada dhinac.
Gudi dhex dhexaadiyayaal ah ayaa saaka gaaray xeradaasi waxayna ku guuleysteen in ciidamadii halkaasi ku sugnaa iyo kuwa Saciid Deni ay gaaraan heshiis ku saabsan in maamulka Puntland lagu wareejiyo maamulida iyo awooda xeradaasi,sidoo kale dhamaan hubka iyo agabka xeradaasi dhexyaalay.
Talabaadan xeradaani lagula wareegay ayaa ku soo aaday xili shalay Madaxweynaha Puntland uu u qabtay 48 saac gudahood inay isku soo dhiibaan dhamaan ciidaamada ka amar qaata faderaalka ee ku sugan gudaha Magaaooyinka Puntland sida Gaalkacyp,Qardho iyo Boosaaso.
Ciidamo wata gaadiid dagaal oo reer PSF- Puntland ah islamarkaana ka amar qaataan faderaalka ayaa la soo sheegayaa inay si xeeladeysan uga baxeen magaalooyinka Gaalkacyo iyo Qardho waxayna u baxsadeen dhinacyada Galmudug iyo Waqooyi-Bari.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
