Wararka naga  soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegayo in Laba Diyaarad oo sida ciidamo gareen deegaankaasi kuwaa oo loogu talagalay in ay dagaal la galaan Xoogaga Ahlusun kuwaa oo dhawaan la wareegay deegaano badan oo horay gacanta ugu haayey Maamulka Galmudug

Ciidamadaan Saakay la geeyey Dhuusamareeb  lagana soo daabulay magaalada  Muqdisho ayaa durba halkaa ka bilaabay dhaq dhaqaaq Ciidan iyadoona la ogeyn sida uu noqon doono xaalka

Ciidamadaan ayaa kuwa lagu magacaabo Haramcad kuwaa oo tababar ku soo qaatay  Dalka  Turkiga

Maamulka Galmudug oo dhisan muda ka badan hal sano ayaa u muuqda  kuwa  ku mashquulay Siyaasada is diidan ee ka jira Muqdisho halkii laga doonaayo in ay awooda saraan Deegaankaasi oo u ooman maamul sal adag oo  Bulshada wax u qabto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here