Ciidamada Milatariga Dowlada Soomaaliya,daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka ayaa la soo sheegayaa inay weerar ku yihiin maanta  Degeaanka Caad ee Gobolka Mudug.

Deegaanka Caad wuxuu ku dhaw yahay Magaalada Bacaadweyn iyo deegaanka Camaara oo bilowga asbuucan laga saaray Alshabaab kadib duulaamo lagu qaaday.

Advertisement

Wararku waxay tilmaamayaan inay jirto deegaan ka sokeeya Caad oo Alshabaabku ku sugan yihiin laakin ciidamada Dowlada taargadkooda koowaad waa Caad.

Ciidamadaan ayaa doonaya inay sii wadaan howlgaladooda ka dhanka ah Alshabaab madaama Madaxweyne Xasan uu iclaamiyay dagaal guud ahaan ay doonayaan inay dalka kaga saaraan Alshabaab.

Wixii war ah ee ku soo kordha wararkeena danbe ayaad kaga bogan doontaan insha Allaah.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here