BALAD-XAAWO (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Dowlada iyo Jubaland ayaa la soo sheegayaa inay kala xirteen xaafadaha Magaalada Balad-xaawo ee Gobolka Geddo.
Wararka ayaa tilmaamaya in xiisad dagaal ay maanta ka taagan tahay magaalada madaama labada ciidan meelo isu dhaw soo kala fadhiisteen xili awal labada dhinac uu uga dhex taagnaa xurguf siyaasadeed.
Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubaland iyo ciidamo ayaa bilihii ugu dambeeyay waxay ku sii qulqulayeen magaalada Balad-xaawo oo ay ku sii sugnaayeen ciidamo iyo saraakiil ka tirsan Dowlada Faderaalka Soomaaliya.
Xiisadaan waxay dhanka kale ku soo aadeysaa xili dhawaan Dowladu shaacisay inay dhiseyso maamul jubaland ah taasoo loo fahmay inay xarun uga dhigeyso Gobolka Geddo madaama ciidamo iyo shacab Dowlada taageersan ay Geddo ku sugan yihiin.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
