HomeWarkiiCiidamada Dowlada iyo Jubaland oo wada-jir u fuliyay howlgal ka dhan ah...

Ciidamada Dowlada iyo Jubaland oo wada-jir u fuliyay howlgal ka dhan ah Alshabaab

Ciidanka geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan ururka 162-aad ee Kumaandoska Danab iyo ururka 56-aad guutada 11-aad ee qeybta 43-aad, oo garab ka helaya ciidamada daraawiishta Dowlad-goboleedka Jubbaland, ayaa howlgal ballaaran oo qorsheysan ka fuliyay deegaannada Malaaleey, Araare, Koban, JanaaleJay iyo Reeynero oo dhaca jiinka wabiga Jubba ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheeysan ayaa lagu bartilmaameedsaday fariisimihii Khawaarijta ee deegaannadaasi, iyadoo ciidamada isku dhafan ay muujiyeen feejignaan, wadashaqeyn.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanku ay burburiyeen meelihii gabaadka u ahaa khawaarijta, kuwaasi oo ay kasoo abaabuli jireen dhagarta shacabka gobolka.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland ayaa sii wada howlgallada lagu xaqiijinayo nabadgelyada lagu ciribtirayo Khawaarijta si shacabka reer Jubbada Hoose ay u helaan nolol deggan oo ka caagan cabsi iyo cadaadis.May be an image of 3 peopleMay be an image of 2 peopleMay be an image of 3 people, all-terrain vehicle and jeepMay be an image of 4 people and jeepMay be an image of 5 people and jeepMay be an image of castle
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -