Kooxda Alshabaab ayaa saaka weerar waxay ku qaadeen deegaanka Nuur-Dugle oo hoos taga Degmada Ruu-nirgood ee Gobolka Shabeelaha dhexe.

Dagaalkaan oo ku bilowday qaraxyo ayay shabaabku sidoo kale ku soo xijiyeen weerar toos ah waxaana la soo sheegayaa in dagaalku wali socdo uuna soo gaaray barqanimadaan.

Advertisement

Ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya ayaa iska difaacay dagaalamayaasha Alshabab walina wax isbadadal ah lama soo sheegin,rasaastuna wali way socotaa.

Wixii war ah ee ku soo kordha iyo hadii khasaare jiro wararkeena danbe ayaad kala socon doontaan insha Allaah.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleWaan ka xumahay in isteed Axmed Naaji lagu aaso London
Next articleShan Caruur Soomaaliyeed ah iyo ayeeyadood iyo oo ku geeriyooday duqeyn diyaaradeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here