AWDHEEGLE (DAYNIILE.COM)-Milateriga Somalia iyo kuwa Uganda ee ka tirsan Howlgalka AUSSOM ayaa Saaka howlgalo amni ka bilaabay Deegaanada jiinka wabiga Shabeelle ee hoostaga degmada Awdheegle gobolka Shabeellaha Hoose halkaasoo dhawaan laga saaray kooxda Alshabaab.
Howlgalkan ayaa iskugu jira amni xaqiijin iyo baacsiga haraaga Alshabaab ee ku dhuumaaleysan kara deegaanada hoos taga Degmada Awdheegle.
Ciidamada Midowga Arika iyo kuwa Soomaalida ayaa iyagoo raxan raxan u socda waxay fuliyeen howlgal xaafad xaafad iyo luuq luuq si ay amniga u xaqiijiyaan iyagoona ku guuleystay dhamaan meelihii ay tageen inay hubiyaan xaalada aagaasi iyo amnigeeda.
War dhanka Dowlada ka soo bxay ayaa lagu shaaciuay howlgalkaani looga hor tagayo in Alshabab ahisku dayaan inay ku dhuumaaleystaan dhulka jiinka wabiga shabelle ee ku hareereysan Degmada Awdheegle.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM



DAYNIILE.COM




