TARDO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanka ay isaga soo baxeen Deegaanka Tardo islamarkaana ay markiiba Alshabaab soo galeen.
Warar kale ayaa sheegaya in Alshabaab mar tageen kana baxeen inkastoo lagu tuhmayo inay ku jiraan deegaankaasi.
Gudoomiyaha Tardo Cismaan Xasan Guure ayaa xaqiiiiyay inay ka baxeen degaanka inkastoo uusan sii faahfaahin sababta ku kaliftay balse wuxuu xusay in hada ay Alshabaab ku sugan yihiin.
Dhawaan ayay ahayd markii Dagaal culus oo ka dhacay degmada Moqokorio ay ugu danbeyn u gacan gashay Dagaalamayaasha kooxda Alshabaab.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
