HomeWarkiiCiidamada Dowlada iyo kuwa deegaanka oo Shabeelaha hoose ka fuliyay howlgal Alshabaab...

Ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanka oo Shabeelaha hoose ka fuliyay howlgal Alshabaab badan lagu dilay

Wararka laga helaayo Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in halkaasi lagu laayay alshabaab badan kadib howlgal ay isla fuliyeen kumaandooska Gor-Gor iyo maleeshiyaadka dadka deegaanka oo iskaashanayay.

Howlgalkaani oo si gaar ah uga dhacay Tuulada Warta Cumar Siidow ayaa lagu dilay laa 6 dagaalame oo ka tirsan Alshabaab kadib markii Taliska ciidamada Xooga Somalia oo xog ka heleen goob Alshabaabku ku sugnaayeen ay qaadeen weerarka.

Sidoo kale Howlgalka waxaa la soo sheegayaa in lagu burburiyay fariisimihii Alshabaab lagu weeraray ee tuuladaasi ku yaal.

Howlgalka wuxuu socday saacado kooban xili Dowladu ka sheegatay guulo ay ka geereen goobihii ay duulaanka ku qaadeen xili ay garab ka heleyeen shacab hubeysan oo ka tirsan kuwa deegaanka,maaha markii ugu horeysay oo ay howlgalo isla sameeyaan dadka deegaanka iyo Milateriga Dowlada.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -