Wararka laga helaao Bariga Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi maanta ka baxayaan Ciidamo ka tirsan Milatariga Somalia oo garab ka helaya Macawisleyda kuwaasoo duulan ku ah Magaalada Ceel-dheer.

Ciidamadaan oo maalmihii ugu danbeeyay diyaar garow ku jiray ayaa saaka la soo sheegayaa inay dhaqaaqayaan islamarkaana ay doonayaan inay Alshabaab ka saaraan Degmada Ceeldheer iyo deegaanada ku dhaw.

Advertisement

Howlgalka Dagaalka AlshabaaB wajigiisa koowaad bilo ka hor ayaa mar Ciidamadu Ceeldheer qabteen hadana way ka soo baxeen sababo lagu sheegay xeelad Milatari,degmada Ceel buur ayaa sidaas oo kale ah inta la qabtay hadana laga soo baxay.

Qorshaha maanta ee duulaanka Ceel-dheer ayaa ku soo aadaya xili maalin ka hor 8 dagaalame ay si dhuumasho ah ku galen Degmada Ceel-dheer kana soo qabteen ama ka soo qafaasheen hor-jooge Alshabaab ka tirsan kaasoo ay gacanta Dowlada soo galiyeen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

Previous articleWiilal dil ka gaystay Hargeysa oo gacanta lagu soo dhigay
Next articleQarax ka dhacay Degmada Ceel-waaq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here