Qoryooleey (dayniiile.com)- Howlgal ay iska kaashteen Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Maamulka koonfur-galbeed ayaa Alshabaab looga saaray deegaano hoos taga degmada Qoryooleey ee Gobolka Sh.hoose.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ee degmada Qoryooley ayaa u sheegay TV-ga Qaranka inay sedex tuulo ka saareen Alshabaab saacadihii danbe ee shalay galab,

Advertisement

“sedexda tuulo waxyar ayay u jiraan Qoryooleey 7 ilaa 8 Km, waxaan ka dilnay sedex wayna qaateen meydadkoodii”ayuu yiri Taliyaha

Mar wax laga weydiiyay inay agab ama saanad milatari ka reebteen ayuu sheegay inaysan jirin wax agab ah oo ay ka reebteen,wuxuu xusay inaysan waxba ka reeban kaliya ay sedex ka dileen ayna qaateen meydadkooda.

Dhanka kele mar wax laga weydiiyay inay deegaanadii ay qabsadeen ay wali ku sugan yihiin ayuu sheegay ineysan ka soo laabaneyn taas badalkeedana ay hore u sii socon doonaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleDegmooyin iyo Deegaano ka tirsan Gobolka Sh.dhexe oo wabigu ku fatahay
Next articleKenya oo wali sii wada duqeymaha Gobolka Geddo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here