HomeWarkiiCiidamada Dowlada iyo kuwa Macawisleyda Ceel-dheer oo dagaalkii saaka hub badan kaga...

Ciidamada Dowlada iyo kuwa Macawisleyda Ceel-dheer oo dagaalkii saaka hub badan kaga furtay Alshabaab 

CEEL-DHEER (DAYNIILE.COM)-Inkastoo Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka aysan si wada-jir ah wali usoo bandhigin hadana waxaa baraha bulshada lagu faafiyay qaar ka mid ah hubkii saaka Alshabaab looga furtay dagaalka oo ciidamadii qabsaday ay soo bandhigeen.

Alshabaab saaka jab xooggan ayaa lagu gaarsiiyay dagaalka Ceeldheer  kadib weerar culus oo qorsheysan oo ay soo qaadeen si ay u qabsadaan Ceeldheer, walow ciidamada Xooga iyo kuwa deegaanku iska diideen isku deygaasi.

Warar ku dhaw dhaw goobta dagaalka ayaa laga soo wariyay in ciidamda Dowlada iyo kuwa deegaanka Ceel-dheer ay saaka muujiyeen naf-hurnimo markii ay jilbaha u aasteen difaaca Magaaladaasi oo asal ahaan uu ka soo jeedo Madaxweynaha Smalia Xassan Sheekh.

Sidaas oo kale waxaa baraha bulshada lagu soo bandhigay sarkaal Alshabaab ka tirsanaa oo isna dhaawacyo soo gaaray laga dabiibayo xili uu ka cudur daartay wareysi lala yeelan madaama xanuun u hayay sida laga dareemayay.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -