HomeWarkiiCiidamada Dowlada oo darwal safarey ah ku dilay Muqdisho

Ciidamada Dowlada oo darwal safarey ah ku dilay Muqdisho

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)- Askari ka tirsan Booliis Milataariyo ayaa la soo sheegayaa inuu saaka dilay oo nafta dhafiyay nin shacab ah oo ahaa darwal kaxeeya  mid ka mid ah gaadiidka u safra Gobolada Dalka kadibkii dhaqaale lacageed la isku qabtay sida aan ogta ku helnay.

Gaariga uu watay ninka shacabka ah ee la dilay oo ah nuuca loo yaqaan Leyla-Calaawi sida aan sawirkaba ka arki kartaan gaariga laftigiisa uu raran ayna waliba ku diyaarsanaayeen dadkii uu gobolada u waday.

Allaha u naxariistee darawalka musaafarka ah ee la dilay waxaa magaciisa la oran jirey Carab Cali waana  nin dhalinyaro ah cidna aan wax danbiya ka gelin, xogta sida aan ku helnay wuu baxsaday gacan ku dhiiglaha dilka geystay inkastoo hay’adaha amnigu ku holwan yihiin soo qabashadiisa.

Marxuumka oo lagu dilay bar koontarool oo ku taal cirifka u danbeeya ee Degmada Kaaraan ayaa wararka ugu badan waxay tilmaamayaan kaliya in loo dilay lacag baad ah oo $1 kaliya lagu sheegay.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COMMay be an image of 1 person, car and textMay be an image of 4 people, car and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -