Deegaan cusub oo hoos taga Gobolka Galgaduud ayaa gacanta Alshabaab laga saaray markii ay duulaan qaadeen Askarta Milatariga Somalia iyo daraawiishta Galmudug.
Advertisement
Ciidamada howlgalka fuliyay oo ah kuwa Xoogga Dalka Qaybta 21aad oo gacan ka helaya kuwa daraawiishta Galmudug ayaa sameeyay baaritaano gudaha deegaanka ah iyo hareeraha.
Howlgalkaan waxaa horkacaayey Taliyaha Qaybta 21aad Gaashaanle Sare Cabdi Salaad iyo saraakiil kale kuwaaso ku hogaamiyay ciidamada guusha ay gaareen.
Dagaalamayaashii Alshabaab ee laga saaray deegaankaan ayaan la ogeyn halka ay ku danbeeyaan
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM