Ciidamada Dawlada Somalia,kuwa deegaanka iyo daraawiishta Galmudug ayaa wali waxay howlgalo ka wadaan deegaanada ku teedsan Caad iyo Camaara ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Wararka laga helaayo howlgaladaan ayaa sheegaya in Ciidamada huwanta ay Alshabaab kala wareegeen deegaano hor leh oo dhaca koonfurta Gobolka Mudug.

Advertisement

Deegaanada ay Ciidaamada Dowlada iyo kuwa deegaanku  ka qabsadeen Alshabaab waxaa ka mida  Cali-daabi iyo kuwo ku dhaw dhaw iyadoo iska hor imaadyana jireen.

Dhawaan ayay ahayd markii Deegaanka Caad ay la waregeen ciidamada Dowlada taasoo ku qaadatay wax ka badan 30 maalmood.

Ma jirto wax faahfaahin ah oo ka soo baxaya Saraakiisha Dowlada kaasoo ku aadan khasaaraha kala gaaray dhinacyada.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleGudoomiyaha Xisbiga Waddani “Muuse Biixi waxaan leenahay wax badso yeysan noo keenin wax beel ,ka fiirso heshiiskaan Itoobiya ee mugdigu ku jiro”
Next articleSAWIRRO: Sirdoonka Dowlada oo Baladweyne ka fuliyay howlal lagu soo qabqabtay Shabakad Alshabaab ka tirsan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here