HomeWarkiiCiidamada Dowlada oo Degmada Xudur ka fuliyay Howlgal ka dhan ah Alshabaab

Ciidamada Dowlada oo Degmada Xudur ka fuliyay Howlgal ka dhan ah Alshabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay fuliyay howlgal qorsheysan oo laga sameeyay na-waaxiga deegaanka Moora-Gaabeey, oo 37 KM u jirta degmada Xuddur ee gobolka Bakool.

Howlgalka oo si xeeladeysan loo abaabulay ayaa waxaa lagu dilay in ka badan saddex dhagarqabe, waxaana lagu dhaawacay in ka badan toban xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta ah.

Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad, ayaa sidoo kale ku soo furtay agab ciidan oo ay ku jirtaan hub iyo saanad ay isticmaalayeen kooxaha nabad-diidka ah.

Taliyaha Qeybta 60-aad ee CXDS, Gaashaanle Sare Maxamed Yariis Aadan, oo la hadlay Warbaahinta Ciidamada, ayaa sheegay in howlgalka uu qeyb ka ahaa dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo dhagarta Khawaarijta, ayna Ciidanku ka go’an tahay inay sugaan amniga deegaanka iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -