BALAD-XAAWO (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Balad-xaawo ee Gobolka Geddo ayaa sheegaya in ciidamada Milateriga Somalia ay dhaq dhaqaaqyo amni xaqiijin ah ka bilabeen xuduud beeneedka Somalia iyo Kenya.
Dhaq dhaqaaqyadaan ayay ciidamada Dowladu uga gol leeyihiin xaqiijinta amaanka xududu beeneedka madaama ay si buuxda Balad-xaawo uga saareen ciidamadii Axmed Madoobe oo mar kasta laga yaabo inay kenya isku soo abaabulaan dibna u soo laabtaan.
Ciidamada Dowlada ayaa la soo sheegayaa inay iyagoo feejigan gaaf wareegayan xad beeneedka inkastoo wax xiisad ah ama colaad aysan jirin marka laga yimaado dagaalkii shalay oo noqday kii ugu dhimashada badnaa ee dhexmara waayahaan Jubaland iyo Dowlada,.
Dhanka kale Dowlada Kenya wali kama jawaabin dalabkii Dowlada Somalia ee ahaa inay gaadiidka Dowlada ee galay xadka dhanka kenya ay ku soo simaan gacanta ciidamada Dowlada ee Balad-xaawo ku sugan,Sidoo kale Kenya wali kama jawaabin eedeymaha Dowlada Somalia ee ah inay ciidamada Axmed Madoobe ka caawinyaan dagaalka.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
