HomeWarkiiCiidamada Dowlada oo fashiliyay qarax miino oo Alshabaab ay soo diyaarsadeen

Ciidamada Dowlada oo fashiliyay qarax miino oo Alshabaab ay soo diyaarsadeen

Geesiyaasha Qarankeenna ee Guutada 14-ka October, Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ku fashiliyay, Miino ay Khawaarijta udiyaariyeen inay ku Xasuuqaan Shacabka deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha Guutada 14-ka October ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/le dhexe Cabdiraxiin Maxamed Munye ayaa Xaqiijiyay in Xogta Miinada oo lala socday ay suurta-gal ka dhigtay inay Libaaxyada Qarankeenna si gaar ah ubartilmaa-meedsadaan goobta dhagarta ay ku diyaarisay Khawaarijta oo kamid ah goobaha ay inta badan isugu yimaadaan bulshada deegaanka Janaale.

Naftood hurayaasha Xoogga Dalkeenna oo utaagan difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed ayaa inta badan fashiliya isku-day kastaa oo ay Khawaarijta ku dooneyso inay ku dhibaateyso Shacabka Soomaaliyeed ee ay udhaarteen.May be an image of flowerNo photo description available.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -