Ciidanka Xoogga dalka soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 24-aad ee Khaalid Binu Waliid ayaa howgal bur burin ah ka sameeyay deegaano kala qaybiya gobolada Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud.

Howlgalkaan oo ahaa mid qorshaysan ayeey geesiyaasha Ciidanka Xoogga ku bur buriyeen fariisimo khawaarijtu ku lahayd dhulka howdka ah gaar ahaan goob ay isku aruursanayeen.

Advertisement

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalku uu ahaa mid guulaystay laguna naafeeyeey cadawga argagexisada ah.

Ciidamada ayaa wali wada howlgalka ay ku baacsanayaan khawaarijta iyagoo doonaya in gabi ahaan dhulka ku teedsan xadka kala qaybiya gobolada Shabeelaha dhexe iyo Galgaduud laga nadiifiyo .

XIGASHO WARBAAHINTA DOWLADA.

Previous articleXamze oo kulan la qaatay Dhigiisa Jabuuti +Sawirro
Next articleAskar Israa’iiliyiin ah oo lagu laayay Falastiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here