Wararka ugu danbeeya ee laga helaayo howlgalada ka socda degmooyinka iyo deegaanada Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladu ku dhaw yihiin saacadaha soo socda inay Alshabaab kala wareegeen degmooyin iyo deegaano ay kaabiga ku hayaan.

Saraakiisha hogaamineysa howlgaladaan ayaa sheegay in dhanka Galgaduud ay ciidamadu kaabiga ku hayaan lagana yaabo inay la wareegan degmada Galcad iyo deegaanada kala ah cows-weyne,bud-bud iyo deegano kale.

Advertisement

Sidoo Kale Ciidamadu dhanka Mudug waxay qarka u saaran yihiin inay alshabaab kala wareegaan Deegaanka Caad oo maalmihii ugu danbeysay ay ku sii siqayeen,ciidamada ,waxayna hada ku sugan yihiin ciidmaada duulaanka ah Buurta Yackoos oo ku dhaw Caad.

Dowlada Somalia ayaa sida ay hore u sheegtay marar badan waxaa dooneysaa inay soo afjarto wajiga koowaad si loogu gudbo wajiga labaad ee dagaalka Alshabaab kaasoo ku wajahan Maamulada Jubaland iyo Koonfur-galbeed.

XAFIIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleLa taliyaha Madaxweynaha oo wax laga weydiiyay Alshabaab iyo Fikirka shiicada
Next articleKooxda Al-shabaab oo dib u qabsatay Degmada Ruu-nirgood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here