HomeWarkiiCiidamada Dowlada oo ku faafay xaafadaha Balad-xaawo

Ciidamada Dowlada oo ku faafay xaafadaha Balad-xaawo

BALD-XAAWO (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Dowlada oo awalba ku ekaa xerada Ciidamada UK ay hada ku soo faafeen xaafadaha kale ee Magaaladaasi kadib dagaal qiyaastii mudo asbuuc h socday xili intaas ay isgaarsiintuna badanaa xirneyd.

Meelaha ay hada dagaaladu soo gaareen waxaa laga xusay dhowr xaafadood oo gudaha Balad-xawo ah sida Waaberi, iyo meelaha caanka ah sida iskuulka carabta, jaamacada Somtec, qansax oomane iyo goobo kale oo intaasi ka sii badan.

Wariyayaasha ku sugan Gedo ayaa soo sheegaya in dagaalku hada ka socdo gabi ahaanba xaafadah Magaalada Balad-xaawo wali ma jirto labaa dhinac cid guul dhameystiran gaartay.

Dhanka kale shacabkii ugu badanaa ee degamaa Balad-xaawo ayaa la soo sheegayaa inay barakaceen oo hada ku duruufeysan yihiin duleedyada Balad-xaawo xili Madera Kenya xitaa qoysas badan u barakaceen.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -