HomeWarkiiCiidamada Dowlada oo markii ugu horeysay weerarka iska lahaa dagaalka saaka

Ciidamada Dowlada oo markii ugu horeysay weerarka iska lahaa dagaalka saaka

BALAD-XAAWO (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya saaka Magaalada Balad-xaawo ee Gobolka Geddo ayaa sheegaya in dagaaladi wali halkoodii ka sii socdaan oo labada dhinac ay isku hayan gacan ku heynta magaalada dhinixii u hari lahaa.

Sida aan xogta ku helnay Saaka waxaa weerarka lahaa ciidamada Dowlada taasoo noqoneysa markii ugu horeysay sida lagu yaqaanay weerarka waxaa mar kasta qaadi jirey kuwa Axmed Madoobe taageersan.

Ciidamada Dowlada waxauy weerar ku ekeeyeen ciidamada Jubaland ee ka dhawaa xerada Uk xili maalmihii ugu danbeysay dagaalku isku badalay mid gudaha magaalada la isku hayo xili 3 ilaa 4 maalin ka hor dagaalku ku ekaa xerada UK oo ciidamada Dowlada isku difaacayeen.

Dadkii ugu badana ee Balad-xaawo deganaa way isaga barakeceen iyadoo magaalada Mandera ee xad beeneedka Kenya looga sameeyay xero qaxooti halkaasoo ay ka sameysteen aqalo baco ka sameysan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -