HomeWarkiiCiidamada Dowlada oo miino ku fashiliyay nawaaxiga deegaanada Lambar-konton

Ciidamada Dowlada oo miino ku fashiliyay nawaaxiga deegaanada Lambar-konton

Sida goor dhaw lagu shaaciyay warbaahinta Dowlada  Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa inta udhaxeysa deegaanada Lambar-konton iyo Muuri ee Gobolka Shabeellaha Hoose ka soo saaray Miino ay Khawaarijta udiyaariyeen inay ku Xasuuqaan Shacabka iyo Gaadiidka isticmaala wadadaas.

Taliyaha Ururka 143-aad ee Guutada 14-ka October, Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Dhamme Cali Mahdi Cabdi Beerdiide ayaa Xaqiijiyay in iyadoon wax dhibaato ah geysan ay ku guuleysteen inay ka hortagaan dhagartaas ay Khawaarijta dhiig miiratada ah ugu danlahaayeen inay ku gumaadaan Shacabkeenna, kadib howlgal Miino baaris ah oo ay fuliyeen.

Wadada ay Miinadaas ku fashiliyeen geesiyaasha Qarankeenna ee Xoogga Dalka ayaa waxaa inta badan isticmaala Gaadiidka isaga kala gudba gobolada kale ee dalka iyo Caasimadda dalkeenna ee Muqdisho.May be an image of 1 personNo photo description available.May be an image of text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -