Askarta Booliiska Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay gaari walxaha qarxaha laga soo buuxshay kaasoo lala rabay in dhibaato lagu gaysto.
Sida uu sheegay afhayeenka Booliska gaarigaan oo ahaa nuuca loo yaqaan Leyla-calaawi ayaa lagu qabtay deegaanka Daaru-salaam oo duleeedka Muqdisho ku yaal waxaana soo qabtay ciidamada xasilinta Xamar ee Boliis Milataariyo.
Advertisement
“waxaa ku rarnaa 10 jirigaan iyo budada loo isticmaali qaraxyada,waxaa lala qabtay ninkii waday gaariga kaasoo sharciga la hor keeni doono”ayuu yiri Afhayeenka Booliiska
Sidoo kale wuxuu sheegay Afhayeenku in dhawaan saas oo kale loo qabtay kuwo qaraxyo maleegayay,wu ku carabka ku adkeeyay in Alshabaab waqtigoodii gabaabsi yahay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM