MARKA (DANIILE.COM)-Ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowlada Somalia ayaa la soo sheegayaa inay ku dagaalameeen Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha hoose kadib is qabqabsi ka dhashay qaadashada Kaarka aqoonsiga dhalashada Somalinimo ee NIRA loo yaqaan.
Dagaalka wuxuu u dhexeeyay ciidamo ka tirsan Nabad-sugida Magaalada Marka iyo ilaalada Gudoomiye ku xigeenka Magaaladaasi kadib markii sida aan xogta ku helnay ciidamada Nabad sugida ay ka caroodeen in qaadashada NIRA lagu xujeeyay inay lacag bixiyaan xili kaarkaasi Dowladu ka dhigtay lacag la’aan.
Dagaalka oo qadar yar socday ayaa saameynta ugu badan wuxuu ku yeeshay iskuul ka dhawaa xarun loo asteeyay in shacabka ay ka qaataan Kaarka NIRA,ardeyda inkastoo aan dhibaato soo gaarin sida aan warka ku helnay hadana waxaa la soo sheegayaa inay cabsqi qal qal iyo qatarba naftooda soo wajahday markii rasaas ay iska dhaceen labada ciidan.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in dagaalka oo socda ay goobta soo gaareen Taliyaha Nabad sugida Magaalada Marka iyo Gudoomiyaha Magaaladaasi taasoo sahashay inay dhex dhexaadin ka galaan, uu danbeyn waxaa la isla gartay in ciidamada Nabad sugida maalin kale imaadaan loona adeego si wanaagsan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
