MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Dowlada Somalia ayaa saaka aroortii hore waxay ku jarmadeen xaafada obasiibo ah oo ku taal Iskuul Bullisiya ee Degmada Xamarjajab halkaasoo shacabkii daganaa xoog looga saaray.
Muuqaalo baraha bulshada la soo dhigay ayaa muujinaya dad shacabka oo ku dhaawacmay rasaasta ciidamada Dowlada iyadoo dadku inta badan markii la handaday isaga carareen xili rasaastuna saaka ah mid is joogta ah u dhaceysa.
Ka hor inta howlgalkaani bilaaban ayay ciidamada Dowladu waxay xireen dhamaan wadooyinka soo gala halka burburinta ay ka wadeen waxaana ka mid ah meelaha xiran wadada 21-ka Oktoobar gaar ahaan nawaaxiga iskuul buluusiya.
Nawaaxiga halka burburinata ay ka socota waxaa buux dhaafiyay shacabka alaabahooda kala baxaya guryihii laga barakaciyay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM


