Dhimasho & dhaawac ka dhashay Rasaas lagu furay dad ku sugnaa Isgoys ku yaal Muqdisho

Ciidamo ka tiran kuwa dowladda Soomaaliya ayaa saaka waaberigii hore waxaa ay rasaaseeyeen dad Shacab ah oo ku sugnaa isgoyska Howl-Wadaag ee Gobolka Banaadir, waxana rasaastaas ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Askarta rasaasta furay oo watay mid kamid ah Gaadiidka Ciidamada ayaa waxaa la sheegay in sababaha rasaasta ay u fureen ay tahay in wadada oo uu kajiray cariiri xoogan inay ku furtaan.

Qof kamid ah dadka wadada marayay ayaa warbaahinta u sheegay in rasaasta ay fureen Ciidamada uu ku geeriyooday hal Ruux halka ay ku dhaawacmeen Afar Ruux oo kala ahaa, Wade Mooto Bajaaj, Oday Da’ah iyo Gabar yar oo la socotay iyo mid kamid ah Askartii Isgoyskja ku sugneyd.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Goobjoogaha in askartii dadka rasaaseeysay ay socdaalkoodii iska sii wateen, isla markaana Isgoyska Howl-Wadaag lagu kala cararay, iyaga oo dadka ka baqdin qabay inay waxyeelo kasoo gaarto rasaasta.

Maamulka degmada Howl-Wadaag iyo laamaha Amniga degmadaas weli kama hadlin falkaas, waxaana mararka qaar dhacda in Ciidamada dowladda rasaas ay ku furtaan wadooyinka Muqdisho, taas oo khasaaro kasoo gaarto dadka Shacabka ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here