HomeWarkiiCiidamada Dowlada oo si buuxda ula wareegay deegaanada Sabiid iyo Caanoole

Ciidamada Dowlada oo si buuxda ula wareegay deegaanada Sabiid iyo Caanoole

Sida lagu shaaciyay warbaahinta Dowlada Ciidanka Geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa guul kale ka gaaray dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta, kadib markii ay si buuxda dib ula wareegeen deegaanada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgal qorsheysan oo ciidanka ka fuliyeen deegaannadaasi ayaa lagu jabiyay Khawaarijta, waxaana lagu qasbay inay iskaga cararaan goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen. Taliyaha Guutada 7-aad ee Qeybta 12-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, G/sare Axmed Gaashaan oo la hadlay Warbaahinta Ciidamada, ayaa sheegay in guushaan ay tahay mid muhiim ah oo ka tarjumeysa dadaalka joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta.
Taliyaha ayaa intaa ku daray in hadda ay ciidanku wadaan howlgallo amni xaqiijin ah oo lagu xaqiijinayo xasilloonida deegaanka, islamarkaana looga hortagayo dhagarta Khawaarijta.
Baaritaano amni ayaa si xooggan uga socda gudaha deegaannada Sabiid iyo Caanoole, iyadoo la xaqiijinayo badqabka shacabka, lagana hortagayo wax kasta oo khatar ku ah nabadda iyo xasiloonida gobolka.
Howlgallada noocan ah waxay muujinayaan sida ay uga go’an tahay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed in ay dalka ka xoreeyaan Khawaarijta, una horseedaan shacabka Soomaaliyeed nolol nabdoon iyo horumar waara.May be an image of 5 peopleMay be an image of 4 peopleNo photo description available.May be an image of echidnaMay be an image of 3 people and grassMay be an image of 1 person and grass
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -