HomeWarkiiCiidamada Dowlada oo tuulooyin ka saaray Alshabaab

Ciidamada Dowlada oo tuulooyin ka saaray Alshabaab

Sida aan ka soo xiganay warbaahinta Dowlada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii wada howlgallada qorsheysan ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanayay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Geesiyaasha xoogga dalka ayaa maanta Khawaarijta ka saaray tuulooyin hor leh, oo ay ka mid tahay Tuulada Tawakal, taas oo hoostagta degmada Awdheegle. Intii lagu guda jiray howlgalkan, ciidanku waxay gacanta ku dhigeen godod ay Khawaarijtu kaga dhuumanayeen deegaanka, kuwaas oo hadda gebi ahaanba laga nadiifiyay cadowga.

Howlgalkan waa qeyb ka mid ah wajiga saddexaad ee howllgalka “Duufaanta Aamusan”, kaas oo lagu bartilmaameedsanayo meelaha ay Khawaarijtu isku uruursadaan si looga takhaluso khatartooda, islamarkaana dib loogu soo celiyo nabadda iyo xasilloonida.May be an image of treeMay be an image of craterMay be an image of treeMay be an image of tree
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -