Ciidamaddda Dowlada Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa wali howlgalo ka wada Gobolka Shabeelaha dhexe gaar ahaan aaga Degmada Mahadaay halkaasoo shalay si rasmi ah Alshabaa looga saaray deegaan lagu magacaabno Ciid-Ciidka.

Howlgaladaan danbe oo dhacay saacidiii ugu danbeeyay ayay Saraakiil u hadashay Dowlada waxay ku sheegeen inay ku weerareen dagaalyahano Alshabaab ka tirsan oo shir lahaa.

Advertisement

Khasaare Xooggan ayay sheegeen inay gaarsiiyeen islamarkaana ur buriyeen fariisimihii ay ku lahaayeen deegaano ku dhaw halkii shalay laga saaray Alshabaab.

Taliyaha ciidamada Lugta ayaa ciidamada shalay mar uu u khudbeynaayay wuxuu faray inaysan istaagin oo daba kacaan  dagaalyahanada Alshabaab waliba ay isugu tagaan wabiga dhankiisa.

Weerarkaasi Ciidamada isla socda ay fuliyeen kadib waxaa la soo sheegayaa inay labada dhinacba wadaan dhaq dhaqaaqyo iyo is urusi iydoo ay macquul tahay inay dagaalo kale soo noqdaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleDowlada Britain oo Muqdisho tababar ku siisay Saraaakiil Atmis ka tirsan+Sawirro
Next articleXukuumada Somalia oo sheegtay inay ka go’an tahay xaqiijinta doorka haweenka Soomaaliyeed+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here