Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan dagaal culus oo caawa saqdii dhexe abaarihii 1:15 daqiiqo ka qarxay nawaaxiga Hotelka Naasa hablood 2 oo ay degan yihiin musharaxiinta mucaaradka qaarkood iyo taalada daljirka Dahsoon oo ah goobta loo asteeyey inuu beri ka dhaco dibed-baxa ay soo qaban-qaabiyeen Mucaaradka.

Dagaalka ayaa ku bilowday rasaas aad u culus oo la isweydaarsanayey, waxaana barbar socday dhowr qarax oo jugtooda si weyn loo maqlay, iyadoo dagaalku bilowday xili dad badankood ay hurdayeen.

Cabdirisaaq Cumar Maxamed Wasiirkii hore ee amniga kana mid ah xubnaha mucaaradka ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay soo weerareen hotelka ay degan yihiin labadii madaxweyne ee hore uuna halkaas ka socdo dagaal.

Dagaalka ayaa dhexmaraya ciidamada DF iyo kuwa ilaalada Musharaxiinta inkastoo aan la ogeyn illaa hadda sida uu ku bilowday.

Xaalada ayaa hadda degan inkastoo rasaas goos goos ah weli laga maqlayo taalada daljirka Dahsoon iyo agagaarka Hotelka Naasa hablood 2, lamana oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here