HomeWarkiiCiidamada Dowlada oo Xaafada Gubta ka qab-qabtay shacab iyo wariyayaal kadib banaan-bax...

Ciidamada Dowlada oo Xaafada Gubta ka qab-qabtay shacab iyo wariyayaal kadib banaan-bax Dowlada looga soo horjeeday .

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Banaan-bax looga soo horjeedo Dowlada gaar ahaan Maamulka Gobolka Banadir ayaa goor dhaw  ka dhacay Xaafada Gubta Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho kaasoo sababay inay halkaasi gaaraan Booliiska  Dowlada ee Xaafadaasi ka howlgala.
Ciidamada waxay soo xir xireen shacabkii isu soo baxa dhigayay iyo wariyayaal u tagay halkaasi inay soo tebiyaan banaanbaxa inkastoo markii danbe wariyayaasha la sii daayay sida aan xogta ku helnay.
Xildhibaano ka tirsan kuwa ka soo jeeda Dayniile ee ku matala Baarlamaanka ayaa goor dhaw gaaray goobta dadka laga xir xirey iyagoona halkaasi shir ku qabtay inkastoo aanan wali ka helin faahaahin dheeraad ah.
Si kastaba shacabka dhigayay bannaannaxa ayaa ka careyan  maamul uu dhawaan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir u magacaabay Gubta oo aysan raali ka ahayn sida uu u maareeyay dhismaha maamulkaasi.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
May be an image of one or more people, beard and newsroom
May be an image of phoneMay be an image of one or more people and text that says "MDALD"
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -