MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa goor dhaw oo caawa ah xabsiga loo taxaabay Odayaal dhaqameed ku heyb ah Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed oo ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya hadana ah Musharax u taagan Xilka Madaxweynaha Dalka iyo waliba hogaamiyaha mucaaradka.
Ciidamada Dowlada ayaa la sheegay inay Odayaasha ugu tageen Hotel Lafweyn oo ay shir ku lahaayeen iyadoo wararka durba soo baxaya ay sheegayaan in Odayaasha lagu tuhmay inay u fadhiyeen abaabulka banaan baxa beri ay qorsheynayaan mucaaradku.
Lama yaqaan saldhiga ay ku xireen iyo ujeedka rasmiga ah madaama Hay’adaha amanku wali wax wara ka soo saarin wararkaani sheegaya inay xiren Odayaal ka soo jeeda Beesha Agoonyar Gaabane oo uu ka dhashay Shariif Sheeh Axmed.
Wixii ka sookordha wararkeena xariga Odayaashaan isku reerka ah danbe ayaad kala socon doontaan insha Allaah.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COMm
