MUQDISHO (DAYNIIILE.COM)-Waxaa Maanta lagu wadaa in Madaxtooyada lagu qabto Munaasabad Ciidamada Soomaaliya si rasmi ah loogu wareejinaayo amniga  Madaxtooyada Qaranka oo mudo dhowr iyo toban sano ah ay amniga hayeen ciidamada Midowga Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya,Wasiiro iyo Taliyayaal Ciidan ayaa lagu wadaa inay ka qeybgalaan xaflada Atmis ay ku soo wareejinayaan amniga Madaxtooyada.

Advertisement

Afhayeenka Ciidamada Atmis ayaa sheegay in qorshaha wareejinta Madaxtooyada iyo goobaha kale uu qeyb ka yahay go’aankii dhawaan Qaramada Midoobe ka soo baxay ee ahaa in amniga Soomaaliya si tartiib tartiib ay u wareejiso ATMIS.

Afhayeenka wuxuu cadeeyay in 3kun askari ay baxayaan inta ka dhiman sanadka cusub oo ah 14 maalmood.

Sidoo kale Afhayeenka wuxuu sheegay in bisha 5aad ee sanadka cusub ay hadana bilaaban doonto daabulida dhowr kun kale oo ka mida ciidamada ATMIS ilaa iyo inta ay guud ahaan dalka kaga wada baxayaana sidaas tartiibta lagu wadi doono.

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee loo qorsheeyay inay maamulaan amniga Madaxtooyada ayaa la sheegay inay yihiin 5 Boqol oo askari kuwaasoo milatari iyo Booliiska isugu jira,waxayna ka awada howlgeli doonaan xafiisyada madaxda u sareysa dalka sida Madaxweynaha,ra’iisulwasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleDowlada oo shaacisay inay dalka ka baxayaan 3-kun oo ciidamada Atmis ka mid ah ka hor sanadka cusub
Next articleXarig jarka dib u dayactirka xarunta taraafikada +SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here