AL-MUKALLA (DAYNIILE.COM)- Wararka laga helaayo Dalka Yemen ayaa sheegaya in Ciidmada NSF ee ay taageerto Dowlada Sacuudigu ay goor dhaw la wareegeen Magaalada Al Mukalla oo hoos tagta ee Xarunta Gobolka Hadramout kadib markii ay ka baxeen ciidamada Imaaraadku taageero ee STC .
Ciidmada Imaaraadku taageero ayaa Magaalada Al Mukalla waxay kaga carareen gaadiid gaashaaman sida taangiyo iyo hub badan markii ay awoodi waayeen inay horey u sii wataan oo la aadaan dhanka ay hada u baxsadeen.
Ciidamada NSFÂ markii ay galeen oo qabsadeen Magaalada Al Mukalla waxay kaamirooyinku soo qabteen iyagoo takbiirsanaya oo aad u dabaal degaya islamarkaana ku faraxsan guusha ay gaareen.
