Wali wax faahfaahin ah kama aysan bixin Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya sababta keentay iney si nabad galyo ah uga baxaan fariisimahii ay ku lahayeen deegaanka Goofgaduud buureey ee gobolka Baay.
Wararkii ugu dambeeyay ee aan la helnay deegaanka Goofgaduud buureey ayaa waxay sheegayaan in dagaalyahano ka tirsan kooxda Shabaab ay gudaha u galeen deegaankaasi oo ay baneeyeen ciidamadii dowladda ee ku sugnaa mudooyinkii dambe.
Goofgaduud ayaa noqonaya deegaankii labaad oo ka baxa gacanta maamulka Koonfur Galbeed muddo 24 saac gudahood, iyadoo deegaanka deegaanka Daynuunay ay Shabaab horay ula wareegeen kadib dagaalo qaraar oo halkaasi kula galeen ciidamada dowladda Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee dhacdooyinkaan ayaa imaanaya, iyadoo magaalada Baydhabo dhowrkii cishe ee lasoo dhaafay ay ka dhacayeen kulamo looga hadlayay qorshe ku aadan gulufka dagaal ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay ku wajahayaan kooxda Shabaab oo go’doomisay degmooyin ka tirsan gobolda Baay iyo Bakool.