Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Axmed Macalim Fiqi, ayaa sheegay in todobaadkii lasoo dhaafay ciidanka dowladda soomaaliya ay bur burburiyeen Maxkamado Al-shabaab ku lahaayeen duleedyada magaalada muqdisho.

Maxkamadahaasi ayuu ku sheegay in al-shabaab ay ugu u yeeri jireen shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda muqdisho.

Intaasi waxa uu ku daray wasiirka arrimaha gudaha in ciyaal weerado ay ka hoos dhasheen kooxaha loogu yeero argagixisada sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka Wasaaradda ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay wado qorsho mid ah oo  dagaalka lagula jiro dagaalameyaasha al-shabaab lagu soo afjarayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here