Maalmo ka hor Ciidamo taabacsan Ururka Ahlusunna Waljamaaca ayaa la wareegay degaanka Ceeldheere oo 28km dhanka Koonfureed uga beegan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug una dhaxeeya Guriceel iyo Dhuusamareeb, hayeeshee ay xalay isaga baxeen.

Ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa Galmudug ayaa xalay xili danbe gaaray deegaanka Ceel-dheere, iyaga oo fariisimo ka sameystay duleedka iyo Gudaha degaanka, sidoo kalena ay sameeyeen howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa wada dhaq dhaqaaqyo Ciidan tan iyo markii Ciidamada taabcsan Ahlusunna ay la wareegeen degmada Guriceel, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in Ciidamadu ku wajahan yihiin degmada Guriceel si ay ula wareegaan.

Dhinaca kale Dadka kunool Guriceel ayaa dareemaya cabsi ku aadan in dushooda lagu dagaalamo, waxaana la sheegay in ay markale billaabeen inay barakacaan.

Baaqyo kala duwan ayaa laga soo saaray xiisadda ka taagan Galmudug ee u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlusunna, waxaana laga digay in xilligaan lagu dagaalamo Bulshada ku nool degaannada Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here