Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Al Shabaab laga xoreeyay deegaanadda kala ah, Guulane, Daaru-salaam, Xarga-dheerre iyo Mabaax oo ka kala tirsan goboladda Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe.

Ciidanka xooga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa Al-Shabaab kala wareegay deegaanadaasi, waxayna kaabiga kusii hayaan degmada Aadan Yabaal, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Gen. Cabdullaahi Cali Caanood oo shir jaraa’id qabtay.

Degmada Aadan Yabaal ayaa ah saldhiga ugu weyn ee kooxda Al-Shabaab ay ku leedahay gobolka Shabeellaha Dhexe.

“Ciidanka xooga dalka iyo xoogaga hubeysan ee kacdoonka shacabka Soomaaliyeed waxay si degan uga saarayeen argagixisada beeraha iyo dhulka keymaha ah, waxaa lagama maarman noqotay in si saf ballaaran ah oo degan looga socda. Waxaa illaa hadda la jaray 85KM oo ah 100KM ee u dhaxeeyay Aadan Yabaal iyo Masaajid Cali Gaduud,” ayuu yiri Afhayeenka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Daaru-salaam iyo Xarga-dheere ay ciidamada cadowga uga dileen Lix xubnood inta la arkay, halka ay dhaawacmeen 2 Askari oo kamid ah ciidamada xooga dalka.

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here