Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo gacan ka helayay kuwa dadka deegaanka ayaa maanta howlgallo ka sameeyay deegaanno hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas ay ku sugnaayeen dagaalamayaal katirsanaa Al Shabaab.

Howlgalka ay ciidanka xoogga iyo kuwa dadka deegaanka sameeyeen ayey ku gaareen deegaannada Maraay Suuleey, Hilowle Gaab, Ciid Kuus iyo Xusseen Cageey oo hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Advertisement

Taliyaha Guutada 17-aad Kumaandooska Gorgor Gaashaanle, Saahid Jaamac Faarax oo howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay in ciidamada bur buriyeen farriisimo dhowr ah oo Al Shabaab ku lahaayeen deegaannada ay howlgalka ka sameeyeen.

Waxa uu sheegay taliyaha in ay sii wadayaan howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab ee ku sugan deegaanno katirsan Galgaduud ,waxa uuna xusay in ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka ka goántahay sidii Al Shabaab looga saari lahaa degaanada Galmudug.

Dowladad Federaalka Soomaaliya ayaa dhawwaan qorsheneysa fulinta howlgal ballaaran ay ku dooneyso in Al Shabaab looga saaro degmooyinka Ceelbuur , Galhareeri iyo deegaannada hoostaga oo si buuxda ugu jira gacanta Al Shabaab.

Previous articleXubin katirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada xoogga dalka
Next articleDhaqaatiirta Ingiriiska oo shaqo joojin sameynaya horraanta September 2023.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here