Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya xoogaga deegaanka ayaa jiho cusub uga dhaqaaqay magaalada Ceelbuur oo la doonayo in laga saaro maleeshiyada Al-Shabaab.

Ciidamada oo ka ambabaxay magaalada Guriceel ayaa ku sii jeeda deegaanka Jaaw, oo 50km dhinaca koonfureed kaga beegan Guriceel. Jaaw waxay ku taallaa goob istiraatiiji ah oo xiriirisa Ceelbuur iyo Guriceel.

Advertisement

Raaca hore ciidamada oo gelinkii dambe ee Khamiistii ka ambabaxay Guriceel ayay raacooda dambena Jimcihii ku baxeen dhabihii ay ciidamadaasi qaadeen.

Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad, Gaashaanle Cabdifitaax Haruuse Daahir ayaa hoggaaminaya ciidamada ka ruqaansaday Magaalada Guriceel.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa tilmaamay in ciidamadu ay hadda ku sugan yihiin tuulada Dhagaxweyn, oo 7km u jirta deegaanka Jaaw.

“Ciidamada waxay ku sugan yihiin jiiddii loo cayimay ay ka hawlgeli lahaayeen, marka dagaalka uu bilowdo,” ayuu yiri Afhayeenka oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayuu qorshuhu yahay in ay maleeshiyada Al-Shabaab ka sifeeyaan inta u dhaxeyso deegaanada Jaaw iyo burujeed, oo qiyaastii 20km isu jira. Ciidamada ayaa ku fidi doona tuulooyinka hoostagga deegaanadan iyo dhulka miyiga.

Waa jiho kale oo la doonayo in culeys lagu saaro maleeshiyada Shabaabka, iyadoona uu qorshuhu yahay in laga suuliyo deegaanada hoostagga iyo kuwa kale ee ku dhow dhow magaalada Ceelbuur, oo ay ku leeyihiin saldhigooda ugu weyn ee Gobollada Dhexe.

Sidoo kale ciidamada ayay tahay inay geed geed u xaqiijiyaan amniga dhulka miyiga iyo deegaanada fogfog ee lama deggaanka ah, ka hor inta aanay gudaha u gelin Ceelbuur.

Gudoomiyaha degmada Guriceel, Anas Cabdi Macallin ayaa sheegay in dadka reer Galmudug ay kabaha u gashteen, sidii ay isaga dulqaadi lahaayeen cadowga.

Ceelbuur waa xudunta hawlgalka ka socda deegaanada Galmudug, waana goobta ugu muhiimsan ee Shabaabku haatan ka haystaan Gobolada Dhexe.

Previous articleDiyaarad sidday Lacag iyo Hub oo Transit ku martay Somalia iyo dalal kale
Next articleTaliyaha Ciidanka XDS oo Aadan Yabaal u tegay u kuurgalista howlgallada ciidamada DFS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here