MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Booliiska Dowlada Somalia ayaa saaka waxay burburin ka wadaan gudaha suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho gaar ahaana qeybta lagu iibiyo dharka loo yaqaan Huudheyda ee isticmaalka ah.
Maalmihi ugu danbeeyay ayay warbaahintu hadal heysay amar Dowladu hore u siisay dadka ku ganacsada suuqa Bakaaraha qebtiisa lagu iibiyo dharka Huudheyda loo yaqaan kuwaasoo iyaguna diidanaa oo cabashadoodana ku soo gudbinayay warbaahinta.
Ciidamada ayaa ugu danbeyn waxay goor dhaweyd oo saaka ah gudaha u galeen goobihii ay hore ganacsiga uga joojiyeen , qaar ka mid ah ganacsatada ayaa sheegeen in saaka loo diiday xitaa inay la baxaan alaabahooda si ay uga bad -baadsadaan in burburinta ay qeyb ka noqdaan.
Taliyaha Saldhiga iyo Gudoomiyaha Degmada Howl-wadaag ayaa howlgalka saaka qeyb ka ah iyagoona hor kacaya ciidamada burburinta ka wada gudaha suuqa Bakaaraha iyadoona la arkayo ganacsatada oo gaaf wareegaya halka shaqada ay ka socota xili ay cabashana ka muujinayaan howsha socota.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
