Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan ururka 64 aad guutada 7aad ee qeybta 12ka April ayaa howgal qorsheysan oo lagu baadi goobayo maleeshiyaad dil u geystay  laba qof oo shacab xoolaley ahaa  ka sameeyay degaano katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka aya sigaar ah Ciidamada uga fuliyeen degaannada Baladul Amiin, Fulaay, Dudumaay iyo Awroobow halkaas oo lagu tuhmayo maleeshiyada dilka geysatay

Taliyaha ururka 64 aad guutada 7aad ee qeybta 12ka April dhame Cali Cabdullaahi Halac ayaa  sheegay in ciidanka xoogga dalka ay ku jiraan howlgal iyo baaris lagu doonayo in sharciga lagu horkeeno dadkii falkaas geystay.

Inta badan qaar kamid ah gobolada dalka ayaa waxaa ka dhaca dilal aanooyin qabiil ah, waxaana ugu dambeeyay is rasaaseyntii khasaaraha geysatay ee shalay Ciidamo ka wada tirsan dowladda ku dhexmartay magaalada Marka, kuwaas oo isku beegsaday sababo la xiriira aanooyin qabiil.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here