Ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed gaar ahaan guutada 26-aad  ee Cali Binu Daalib ayaa howgallo ballaaran ka sameeyey tuulooyinka Ceel gorof ,Ceel boore iyo Geedi koror oo u dhaxeeyay xadka gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminaayey taliyaha guutada 26 -aad ee Cali Binu Abii Daalib Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik Maalin  waxayna  ciidamada  ku guuleysteen in ay  isku furaan wadada xiriirisa Maxaas iyo Wabxo waxayna wadooyinka qaar  ay  ka saareen  tiro  miinooyin ah  oo ay  Al-Shabaab  ku duugeen  wadooyinka mara deegaanada  u dhexeeya Wabxo iyo Maxaas.

Advertisement

Saraakiisha howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay inay howlgalka sii wadi doonaan ilaa guud ahaan ay Al-Shabaab ka saarayaan degaannada iyo degmooyinka ay kaga sugan yihiin Ururka Al-Shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here